U bood dhigaalka

Dowladda Kenya Oo Iska Fogeysay Eedeyn Uga Timid Human Rights Watch

Sheeko:Dalka

Dowladda Kenya ayaa iska fogeysay eedeyn dhowaan uga timid hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha Human Rights Watch, taaasi oo ku saabsan in Kenya ay ku guuldarreysatay in qaxootiga Soomaaliyeed ay kusoo celiyaan qaab waafaqsan xeerka caalamiga ah ee dib u laabashada.

Menden Jocka oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha Kenya ayaa sheegay in warbixintaasi ay tahay mid aan laga fiirsan, islamarkaana Kenya ay wax badan ilaalisay xuquuqda qaxootiga.

Wuxuu sheegay Afhayeenka in aaney jirin cid la qasbay, ama aan la sameyn wax qaxootiga ku kalifaya in dalkooda ay ku laabtaan iyaga oo aan raali ahayn.

Menden ayaa sheegay in hay’adda Human Rights Watch ay marar badan eedeyn u jeedisay dowladda Kenya, kuwaasi oo dhammaantood ahaa sida uu tilmaamay kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.

Hay’adda Human Rights Watch ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in dowladda Kenya iyo UNHCR ay ku guuldareysteen in qaxootiga Soomaaliyeed ee kusoo laabanaya dalkooda la waafajiyo xeerka caalamiga ah ee dib u laabashada qaxootiga.

Goobjoog News