U bood dhigaalka

Dowladda Kenya Oo Jubbaland Ku Wareejisey Dad Xoog Lagu Haystay

Sheeko:Dalka

Dowladda Kenya ayaa maamuka Jubbaland waxay ku warejisay 47 qof oo Soomaali ah, kuwaasi oo ay si xoog ah ku haysteen dad la sheegay iney doonayeen in dadkaasi ay ka ganacsadaan.

Haybe Axmed C/laahi oo ah taliyaha ciidamada Jubbaland ee degmada Dhoobley, J/hoose ayaa u sheegay Waraahinta in dadkan lagu hayey deegaan ka tirsan Kenya, walibana ay ku xirnaayeen meel Kunteenar ah.

Wuxuu tilmaamay in markii hore dadkaan mid mid looga waday xeryaha Dhadhaab, kadibna meel la isugu geeyay, iyadoo la doonayey in meello kale la geeyo si loo iibsado.

Taliyaha ayaa tilmaamay in ay xiriir la sameeyeen dowladda Kenya, kana dalbadeen in dadkaasi loo soo furto, ugu dambeynna dadkaan iyaga oo xaalad adag ka muuqato la keenay degmada Dhoobley.

“Dadkaan waxaa haystay dad ka daran magafe, waxaa lagu hayey meel Kunteenar ah, waxaan helnay xogtaasi, dowladda Kenya ayaan xiriir la sameennay, waxaana suurtagashay iney soo badbaadiyan dadkaan oo la doonayey in laga ganacsado” ayuu yiri Taliyaha.

Inta badan dadkaan ayaa qaab tahriib ahaan looga waday xeryaha Kenya, waxaana iyadoo loo maleynayo in la doonayey lacag madax furasho ah in laga qaato.

Goobjoog News