U bood dhigaalka

Dowladda Kenya Oo Lagu Eedeeyay Duqeynta Shacabka Gedo

Sheeko:Dalka

Mid kamid ah waxgaradka ku dhaqan gobalka Gedo ayaa dowladda Kenya ku eedeeyay inay duqeynayso dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Nabadoon Daahir Aadan oo ku sugan magaalada Garbahaarey oo wareysi siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in Kenya ay shacab badan ku laayeen gobalka Gedo.

Waxa uu sheegay in Kenya ay maalin walba dad shacab ah ku disho deegaanno badan oo gobalka ka tirsan, isagoo hoosta ka xariiqay in Kenya ay wado aargoosi ay shacabka ka aargudanayso weerarkii Ceelcadde ee Al-shabaab.

“Kenya dadkii shacabka ahaa ayeey xasuuq ku wadaan, waxay shacabka ka aargudanayaan weerarkii Ceelcadde ee askarta badan looga dilay” ayuu yiri Nabadoonka.

Nabadoon Daahir ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay gabtay masuuliyaddii ka saarnayd dadka Soomaaliyeed ee Kenyaatigu duqeynayaan, wuxuu sheegay in Kenya aysan jirin cid la xisaabtamaysa taasna ay u tahay nasiib darro umadda Soomaaliyeed ee ku nool dhulka ay duqeynayso.

Ciidanka Kenyaatiga ayaa warar aynu helnay waxay sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay ay diyaaradahooda duqeeyeen deegaanno ka tirsan Gedo sida kuwa ku teedsan Ceelcadde oo ay kamid yihiin Wargaduudo iyo Alwiilo.

Goobjoog News