U bood dhigaalka

Dowladda Kenya Oo Lagu Eedeeyey Iney Ku Fashilantay La Dagaalanka Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee dalka Kenya Ra’ila Odinga ayaa ku eedeeyey dowladda dalkaasi  iney ku fashilantay dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ay wadeen ciidamada Kenya.

Odinga ayaa sheegay in madaxda dalka Kenya ay soo saaraan warbixinno aan waxbo ka jirin, kuwaasi oo ku aadan khasaaraha soo gaara ciidamada Kenya xilliyada ay weerarka kala kulmaan Al-shabaab.

Waxa uu tilmaamay in la qorsheynayo in magaalooyinka waaweyn ee dalka Kenya ay ka dhacaan dibadbaxyo lagu dalbanayo in ciidankooda looga saaro Soomaaliya.

Madaxda dalka Kenya hoggaamisa ayuu Mr Odinga ku sheegay in mar walbo ay isku dayaan in shacabkooda ay uga been sheegaan xaqiiqda jirta, isaga oo sheegay in ciidankooda jooga Soomaaliya aaney wax faa’ido ah u lahayn shacabka Kenya.

Hadalka Ra’ila Odinga ayaa imaanaya xilli Al-shabaab ay xoojiyeen weerarada ka dhan ah ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha dalka Kenya.

Goobjoog News