U bood dhigaalka

Dowladda Kenya oo Mudda Sanada Dib u Dhigtay Imtixaanada Dugsiyada Sare Ee Dalkaasi

Sheeko:Waxbarashada

Wasiirka Waxbarashada Kenya, George Magoha ayaa maanta oo Salaasa ah ku dhawaaqay in imtixaanka Qaranka dalkaasi, aanu qabsoomaynin sanadkan sababa la xiriira cudurka saf-marka Covid-19 oo dadka uu ku dhacayo oo kordhay.

Wasiirka ayaa sheegay in ardada Standard 8(Dugsi Dhexe) iyo Form Four(Dugsiga Sare) aysan u fariisin doonin imtixaanka ay ahady in ay galaan sannadka, taasi bedelkeeda ay Imtixaankaas geli doonaa sanadka 2021-ka.

Wasiirka ayaa sidoo kale faray Jaamacadaha doonaya in furayaan, ay raacaan awaamiirta iyo talooyinka wasaarada Caafimaadka.

Kenya ayaa diiwaan-gelisay 8067 ruux oo Cudurka Saf-marka ee COVID-19 uu ku dhacay, waxaana u dhintay 164 ruux halka 2,414 ay ka soo bodsadeen, waxana aad u korortay tirada uu ku dhacayo dadka dalkaasi beryahan dambe iyadoo maalin kaliya oo ah bishan July 4-teeda la diiwaan geliyey 389 ruux.

Tani ayaa imaaneysa maalin kadib markii uu Madaxweynaha dalkaasi Uhuri Kenyatta qafiifay xayiraadihii sarnaa magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi siiba Niarobi, Mombasa iyo Mandhere.

Goobjoog News