U bood dhigaalka

Dowladda Kenya Oo Soomaalida Qaxootiga Ku Ah Dalkeeda Ka Codsatay Ka Shaqeynta Amniga

Sheeko:Dalka

Wasiirka arrimaha gudaha wadanka Kenya ayaa madaxda xeryaha qaxootiga Dhadhaab kala hadlay arrimo ay ka mid tahay ka qeyb qaadashada ammaanka.

Xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ayaa waxaa booqday wefdi ballaaran oo u horkacayay wasiirka arimaha gudaha iyo amniga dalka Kenya Josaf Kaysari, waxaa qeyb ka ahaa weftigan xildhibaano ka tirsan kenya oo ka soo jeeda gobolka waqoyi beri,  kuwaasi oo kala ah Adan Bare Ducale gudoomiyaha aqlabiyadda baarlamaanka kenya, Xildhibaan Maxamed Dahiye Ducalle, Xildhibaan Ilyas Bare Shill, Xildhibaan Cabdullahi Diriye Dhagalow, Gudoomiyaha gobolka Garisaa Nadif Jaama Aadan, Madaxa Amniga Gobolka waqoyi bari Maxamuud Cali Saalax, Wakilka Hayadda UNHCR ee dalka Kenya Ra’uuf Masuu, xildhibaano kale iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday dalka Kenya.

Wafdiga ayaa markii ay gaaren xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab waxay kulan gooni ah la qaateen horjoogayaasha xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab, iyagoo kala hadlay Seddax arrimood oo kala ah, arimaha amaanka xeryaha iyagoo waxaana ay ka codsadeen horjoogayasha xeryaha ka shaqeynta arimaha amaanka iyo ka hortagga kooxda Shabaab falalka liddiga ku ah amaanka ay ka geystaan xeryaha Dhadhaab iyo guud ahaan dalka Kenya soona sheegan kuna soo wargeliyaan lamaha amaanka.

Tan labaad oo ay kala hadleen ayaa ah arrimaha dib u noqoshada taasi oo ay u sheegan in aysan jirin cid si qasab ah loogu celinayo dalka Soomaaliya oo ay tahay rabitaanka qofka iyaga oo sidoo kale ka codsaday horjoogayaasha in ay ku dhiiradaan ka shaqeynta arimaha nabadda iyo horumarka dalkooda kana qayb qataan lana socdaan xaaladaha dalkooda ka jira.

Tan sadexaad ayaa ah in weftigan ayaa ku wargeliyeen horjoogayaasha xeryaha in dhawaan xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab imaan doonaan wefti balaaran oo u horkacayo R/wasaaraha dowlada federaalka ee Soomaaliya, iyadoo weftigan u kuurgali doonaan xaaladaha qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool xeryaha Dhadhaab.

Dhanka kale horjoogayaasha ayaa qiray kuna farxay xaaladaha horumarka ee dalkooda ku jira iyagoo sheekay daqiiqad kasta in ay la socdaan xaaladaha dalkooda,  waxayna u riyaqay una mahadceliyeen wax qabadka mudooyinka dambe ee safadaradda Soomaaliya ee dalka Kenya iyo ka war qabka safarada ee dadka Soomaaliyeed ee dadka ku dhaqan xeryaha Dhadhaab, iyadoo safarada dhowr jeer caawisay dad ku dhibateysnaa.

Goobjoog News