U bood dhigaalka

Dowladda Kuwait Oo Qabaneysa Shir Dhaqaale Loogu u Ruurinayo Waxbarashada Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Dowladda Kuwait waxay qalqaalineysaa in ay marti geliso shirweyn dhaqaalo loogu uruurin doono waxbarashada Soomaaliya dabayaaqada sanadkaan 2015-ka.

Wasiirka arrimaha dibadda ahna ku xigeynka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdisalaan Cumar Hadliye oo Ku sugan Dalka Kuwait, ayaa sheegay in dowladda Kuwait ay wado qabanqaabada shirkaas.

Kulanka lagu taageeri doona waxabarashada Soomaaliya ayaa Kuwait qabashadiisa waxay la kaashanaysaa hay’adda waxbarashada ee Jaamacadda Carabta iyo Hay’adda ISESCO.

Dhanka kale Wasiir Hadliye ayaa sheegay in Isaga iyo Dhigiisa Dalkaasi kawada tashadeen xiriirka Labada Wadan ay leeyihiin.

Shirka waxa kala oo looga hadli doonaa arrimaha quseeya wadamada Soomaaliya, Yemen, iyo wadamada kale Carabta.

Goobjoog News