U bood dhigaalka

Dowladda Maraykanka Oo Ka Hadashay Doorashadii Jabuuti

Sheeko:Dalka

Dowladda Maraykanka ayaa ka hadashay doorashadii dalka Jabuuti ka dhacday Jimcihii lasoo dhaafay, iyadoo amaanna u jeedisay shacabka Jabuuti.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dalka Maraykanka ayaa lagu ammaanay ugu horeen shacabka Jabuuti sidii nabadda ahayd ee ay uga qeybgaleen doorashadaasi.

Waxaa lagu sheegay qoraalka in Maraykanku uu xiriir dheer kala dhaxeeyo dowladda Jabuuti, islamarkaana uu rajeynayo sii kordhinta danaha Labada dhinac.

Sidoo kale waxaa loogu baaqay dowladda Jabuuti inay taageerto xorriyadaha shirarka nabadeed iyo dhammaan fikradaha ay qabaan shacabka Jabuuti.

Waxaa kaloo qoraalkan lagu xusay in dowladda Maraykanku si gaar ah u eegayso soo jeedintii IGAD, Midowga Africa iyo ururada kale ee ku aadan sare u qaadista hannaanka doorasho ee Mustaqbalka.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markiisii Afaraad ku guuleystay doorashooyin ka dhacay dalkaasi, inkastoo mucaaradka ay saluugeen qaabka ay wax u dhaceen.

Goobjoog News