U bood dhigaalka

Dowladda Maraykanka Oo Ka Hadashay Duqeyn Ka Dhacday Shabellaha Hoose

Sheeko:Dalka

Dowladda Maraynkanka ayaa ka hadashay duqeyn Todobaadkan ka dhacday deegaanno ka tirsan gobolka Shabellaha Hoose taa oo lala eegtay dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

Afhayeen u hadashay Ciidanka Marayka ee Afrika laguna magacaabo Genever Derekiz ayaa sheegtay in diyaaradahooda dagaalka ay ka qeybqaateen weerarkaan oo ka dhacay Tooratoorow iyo duleedka deegaanka Lambar Lixdan.

Waxay sheegtay Derekiz in duqeyn dhanka cirka ay ah geysteen iyaga oo caawinaya ciidamada Kumaandoosta Soomaaliya, islamarkaana ay ku dileen Afar Sarkaal oo ka mid ah Dagaalyahannada Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ka hadlay duqeyntan waxay sheegeen in ragga ay ka dileen Al-shabaab uu ku jiray mas’uul u qaabilsanaa dhanka gobolka Shabellaha Hoose.

Diyaaradaha Maraykanka ayaa caawiya ciidamada Kumaandoosta Soomaaliya kuwaa oo howlgallo gaar ah ka fuliya deegaannada ay dalka kaga sugan yihiin Al-shabaab.

Goobjoog News