U bood dhigaalka

Dowladda Maraykanka Oo Muwaadiniinteeda Ku Wargelisay Iney Faarujiyaan Muqdisho

Sheeko:Dalka

Dowladda Maraykanka ayaa muwaadiniinteeda ku ammartay iney si degdeg ah uga baxaan magaalada Muqdisho, kadib markii xafiiska howlgalka Maraykanka ee Soomaaliya soo saaray warbixin digniin ah.

Waxaa warbixinta lagu sheegay in dhammaan shaqaalaha Muwaadiniinta Maraykanka ee jooga garoonka diyaaraha Aadan Cadde ay isaga baxaan Muqdisho illaa iyo ammar dambe.

Xalaadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay warbixintan iney tahay mid aad u halis ah, waxaana intaa lagu daray in ay khatar ku tahay muwaadiniinta Maraykanka.

Sidoo kale warbixinta ayaa lagu sheegay in muwaadiniinta Maraykanka ah ee go’aansaday iney kusii nagaadaan Muqdisho laga doonayo iney dib u eegis ku sameeyeen amnigooda shaqsiyadeed, islamarkaana ay si gaar ah ula socdaan warbaahinta, sameeyaanna feejignaan dheeri ah.

Dhanka kale, sirdoonka Maraykanka ayaa sheegay in ay heleen xogo sheegaya in weeraro xooggan lala damacsan yahay garoonka Aadan Cadde, sidaasi darteedna ay u baqayaan muwaadiniintooda.

Digniintan ayaa imaaneysa xilli Al-shabaab ay weeraro kala duwan ka geysteen magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka, Todobaadyadii ugu dambeeyay.

Sidoo kale waxay digniintan imaaneysaa xilli dowladda Federaalka Soomaaliya ay waddo qorshe ay dalka oo dhan uga saareyso Al-shabaab.

Goobjoog News