U bood dhigaalka

Dowladda Maraykanka Oo Sheegtay Iney Duqeyn Ku Dishay Xubno Ka Mid Ah Al-shabaab

Sheeko:Amniga

Dowladda Maraykanka ayaa war waxa ay kasoo saartay duqeyn ay diyaaradahooda ka fuliyeen gudaha Soomaaliya, kuwaasi oo lala eegtay xubno ka mid ah Al-shabaab.

Qoraal kasoo baxay dowladdan ayaa lagu sheegay in duqeyntaasi lagu diley 10 ruux oo ka mid ah dagaallamayaasha Al-shabaab.

Weerarkii Koowaad ayeey sheegeen inuu ka dhacay gobolka Shabellaha Hoose kuna dileen 6 ka mid ah Al-shabaab kuna gubeen gaadiid badan.

Weerarka Labaad ayeey dowladda Maraykanka sheegtay in ay ka fuliyeen deegaanka Baqdaad kuna dileen Afar ka mid ah Al-shabaab.

Sidoo kale, qoraalkan kasoo baxay dowladda Maraykanka ayaa lagu sheegay in howlgalladaasi ay kaalin weyn ka qaateen ciidamada Soomaaliyeed ee sida gaarga ah u tababaran.

Ugu dambeyn, dowladda Maraykanka ayaa xaqiijiyey in dhammaan weeraradaasi aanay jirin waxyeello kasoo gaartay dadka shacabka ah.

Goobjoog News