U bood dhigaalka

Dowladda Maraykanka Oo Soo Dhaweysay Kalsooni Siinta Baarlamaanka ee Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid

Sheeko:Dalka

usDowladda Mareekanka ayaa soo dhaweysay Kalsooni siintii shalay ee xildhibaanada Baarlamaanka ku siiyeen Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, waxaana dhanka kale ay ku baaqeen in madaxda dalka ay wada shaqeeyaan.

Wasaaradda Arimaha dibadda dalka Mareekanka ayaa sheegtay in ka dowlad ahaan ay aad usoo dhaweynayaan go’aankii Baarlamaanka ay codka Aqlabiyadda ah ku siiyeen Ra’iisul wasaaraha, iyaga oo tilmaamay in shaqo badan ay u taalo.

“Waxaan Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’iisul wasaaraha iyo Golaha wasiirada ee la keeni doono ugu baaqeynaa in qaadaan talaabo dhanka horumarka ah , dib u habeynta Dastuurka Sameynta maamul gobaleedyada iyo guud ahaan hiigsiga 2016” Afhayeenka wasaaradda Arimaha dibadda ayaa sidaasi yiri.

Shalay ayaa xildhibaanada Baarlamaanka waxa ay codka Kalsoonida ah siiyeen Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, waxaana laga sugayaa in uu soo magacaabo golahiisa wasiirada.

Goobjoog News