U bood dhigaalka

Dowladda Mareykanka oo Kordhinaysa Ciidamada Ka Jooga Soomaaliya

Sheeko:Caalamka

Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya ayaa waxaa la kordhiyay tiradooda oo la gaarsiiyay 900 oo askari sida laga soo xigtay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Mareykanka, ciidanka ayaa hore tiradooda waxaa ay u aheyd 450 askari, kuwaas taageera ciidanka hey’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA.

Dhowaan ayey aheyd markii Baarlamaanka dalka Mareykanka uu u codeeyay in ciidamada Mareykanka ah ee ku sugan Soomaaliya ay baaqi ku sii ahaadaan, kadib markii dib loogu soo celiyay Soomaaliya doorashadii Biden, iyadoo madaxweynihii hore Trump uu hore uga saaray Soomaaliya ciidamadii kaga sugnaa.

Mowshinka ay ciidamada Mareykanka ay kusii joogayaan Soomaaliya ayaa waxaa uu ahaa mid inta badan ay isku waafaqsanaayeen xildhibaannada laabada Xisbi ee Jamhuuriga iyo Dimuquraadiga, oo sheegay in loo baahan yahay in Waashington ay ku adkeysato sii joogitaanka Muqdisho iyo gollada kale ku sugan yihiin.

Ciidamada Mareykanka oo xilligaan tiradooda la kordhiyay laguna daray intii hore u joogtay ayaa waxaa ay kusoo aadaysaa xilli dalka ay ka socdaan howlgallada wajiga labaad ee ciidanka dowladda ay Al-shabaab kaga saarayaan dalka, ciidankaan ayaa inta badan duqeymaha dhaka cirka ah ka taageera Ciidanka Xoogga Dalka.

Mareykanka ayaa muddooyinkii dambe kurdhinayay ciidamadiisa kaga suga Soomaaliya, waxaana dhowr jeer la kordhiyay tiradooda, Mareykanka ayaa markii hore waxaa Soomaaliya ka joogay tababarayaal iyo qubarro ka tirsan ciidanka, kadib inta aan Soomaaliya lagu soo darin dalalka  uu taliska Africom uu ka howlgali doono.

Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya ayaa waxaa saldhiggoodu yahay garoonka Ballidoogle ee gobolka Shabeellaha hoose, waxaana dowladda Mareykanka ay gacanta ku heysaa ciidanka hey’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka NISA oo wadajir ay u wada howlgalaan marka la joogo gollada Soomaaliya.

Mareykanka ayaa Soomaaliya ciidankiisa siyaaabo kale duwan ugu sugnaayeen tan iyo markii ay hanaqaaday dowladda federalka ah ee Soomaaliya, waxaana markaas kadib ay xarumo ku lahaayeen Ballidoogle iyo Boosaaso, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidan NISA iyo PSF oo Mareykanku uu taageero isaga oo Mushaarkooda bixiya.

Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya ayaa waxaa ay qeyb ka yihiin taliska ciidanka Mareykanka ee Africom, kaas oo saldhiggiisa ugu weyn uu yahay dalka Jabuuti, waxaana sidoo kale ay saldhig u ah Kenya iyo Itoobiya oo ay joogaan quburo ka tirsan taliska ciidanka Mareykanka ee qaradda Afica ee Africom loo yaqaano.

W/Q/ Dalmar Abdulkadir Daacad

Goobjoog News