U bood dhigaalka

Dowladda Mareykanka Oo Si Kulul Uga Hadashay Dagaalkii DF Iyo Jubbaland Ku Dhexmaray Belad Xaawo

Sheeko:Amniga

Qoraal ay soo saartay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay dagaalkii ciidanka dowladda federaalka ah iyo kuwa dowlad goboleedka Jubbaland ku dhexmaray afaafka hore ee magaalada Belad xaawo.

Safiirka safaaradda Mareykanka Ambassador Donald Yamamoto, ayaa tilmaamay in xilligan aan loo baahnayn in la kala dhantaalo ciidankii isku mowqifka ahaa islamarkaanka waxa uu sheegay in oo baahanyahay in la xaliyo xiisadda Belad xaawo.

Sidoo kale Ambassador Yamamoto ayaa ku baaqay in xal siyaasadeed laga gaaro khilaafka soo cusboonaaday, isaga oo tilmaamay in dhamaan hoggaamiyeyaasha looga baahanyahay in ay la yimaadaan dulqaad si natiijo wax ku oola loo gaaro.

Ciidamada dowladda federaalka ah iyo kuwa dowlad goboleedka Jubbaland ayaa shalay ku dagaalamay qeybo ka mid ah demada Beladxaawo ee gobalka Gedo.

Halkan ka akhriso qoraalka Mareykanka

Goobjoog News