U bood dhigaalka

Dowladda Masar Oo Hub Iyo Gaadiid Ku Wareejisay Dowladda Federaalka Soomaaliya (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Dowladda Masar ayaa maanta oo Talaado ah waxay gaadiid iyo hub ku wareejisay wasaaradda difaaca ee xukuumadda Soomaaliya kadbin munaasabad kooban oo ka dhacday magaalada Muqdisho.

Gaadiidkaan iyo hubka ayaa loogu tala galay ciidanka sida gaarga ah u tababaran ee Danab, kana tirsan kumaandoosta Soomaaliya.

Danijiraha Masar u fadhiya Soomaaliya Waliid Maxamed Ismaaciil oo halkaasi hadal ka jeediye yayaa sheegay in dowladda federaalka ku wareejiyeen Gaadiid kuwa dagaalka ah, gaadiidka gurmadka degdega ah iyo qoryo loogu talagalay ciidanka Danab.

“Waxaanu taageereynaa walaalaheena Soomaaliyeed, hubkaan iyo gaadiidka Ciidanka oo ay ku jiraan kuwa gurmadka degdegga ah waxaan maanta ku wareejineynaa dowladda Soomaaliya” Danjire Waliid ayaa sidaasi yiri

Wasiirka gaashaanndhiga ee xukuumadda Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini oo isna halkaasi ka hadlay ayaa u mahadceliyey dowladda Masar, wuxuuna sheegay in dowladda Masar ay horay waxyaabo badan uga caawisay Soomaaliya.

007 006 005 004 003 002 001

Goobjoog News