U bood dhigaalka

Dowladda Masar Oo Tababari Doonta Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

GamMadaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ka dib safar uu ku tagay dalka Masar, isaga oo la kulmay madaxda dalkaasi.

Dowladda Masar ayaa balan qaadyo badan u sameysay dowladda Federaalka, waxaana ka mid ah in gacan ay ka geystaan sidii ay u tababari lahaayeen ciidamada xooga dalka Soomaaliya.

Daa’uud Aweys oo ah afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in safarkii madaxweynaha uu kusoo dhamaaday guul iyo is afgarad.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Masar waxyaabaha ay balan qaaday ka mid tahay deeqaha waxbarashada in la kordhiyo iyo arimo kale oo Labada dowladood iska kaashan doonaan.

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa intii uu dalka Masar jiray waxa uu kula soo kulmay xogyaha guud ee Jaamacadda Carabta, iyadoo xoghayaha uu balan qaaday sidii loo daba geli lahaa lacago horay Soomaaliya loogu balan qaaday.

Halkaan Hoose ka dhageyso Wareysiga Afhayeenka Madaxtooyada.

Goobjoog News