U bood dhigaalka

Dowladda Nigeria Oo Uga Digtay Muwaadiniinteeda Inay u Safraan Maraykanka

Sheeko:Dalka

Dowladda  Nigeria ayaa waxay uga digtay muwaadiniinteeda inay u safraan Maraykanka, ka dib markii loo diiday muwaadiniin badan oo u dhashay Nigeria oo wata Fiisaha dal ku galka inay  galaan Maraykanka.

Dowladda  Nigeria kama mid aha dowladihii loo diiday muwaadiniintooda inay galaan Maraykanka kuwaas oo ahaa todobo dowladood oo u badan muslimiin.

Xoghaya gaarka ah ee arrimaha  dibadda  madaxweynaha Nigeria ayaa waxa uu sheegay in muwaadiniin badan oo reer Nigeria ah kuwass oo wata fiisaha dal ku galka loo diiday inay galaan Maraykanka, waxa uu intaas ku daray in madaxda Maraykanka ay dadkaas ka tuureen fiisahoodii lagana soo celiyay garoomada Maraykanka.

Dowladda Nigeria ayaa waxay uga digtay muwaadiniinteeda inaysan  u safrin Maraykanka, iyo in dib loo dhigo safarada Maraykanka tan iyo intii ay ka cadaanayso siyaasadda madaxweyne Trump eek u aadan dhanka socdaalka.

Bilihii la soo dhaafay  ayay ahayd markii uu aqalka cad ee Maraykanka uu soo saaray go’aan  cusub oo lagu joojinayo in todobo dal oo muslimiin u badan laga mamnuucay inay galaan Maraykanka, kuwaas oo wata fiisaha dal ku galka, arrintaas ayaa waxay dhalisay khilaaf badan oo u dhaxeeya madaxda Maraykanka.

Goobjoog News