U bood dhigaalka

Dowladda Oo 3 Milyan Ugu Deeqday Gurmadka Abaaraha

Sheeko:Dalka

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi iyo wasiirka arrimaha gudaha C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Cadaado ee Galgaduud waxay isku raaceen in loo baahan yahay gurmad degdeg ah si loo badbaadiyo dad qarka u saaran in harraad iyo nafaqo darro u geeriyoodaan.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa sheegay in maalmihii lasoo dhaafay ay macluul dad ugu geeriyoodeen deegaannada Galmudug, si loo badbaadiyo kuwa hadda il daranna wax uu tilmaamay in loo baahan yahay caawinaad degdeg ah.

Mr. Xaashi ayaa sheegay iney ka walwalsan yihiin sida kaalmo loo gaarsiin lahaa haddii la helo dadka ku dhaqan deegaannada Mudug iyo Galgaduud ee Al-shabaab ay gacanta ku hayso.

“Abaarta aad bay u daran tahay, deegaannada Galmudug meel aysan abaar ka jirin maleh, meelaha qaar waxaa u dheer in Al-shabaab ay soo galeen oo dadkii soo qixiyeen, dad ayaa macluul ugu dhintey deegaannada Galmudug, waxaana dadka ay u baahan yihiin gurmad degdeg ah, waxaan codsaneynaa in dadkaan gurmad lala soo gaaro” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa o isagana ka hadlay saameynta abaaraha ee badankooda ka jira gobollada Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda dhexe ee dalka ay abaarta u qoondeysay lacag dhan 3 milyan oo doolar si wax looga qabto xaaladda abaarta.

“Sida naloo sheegay xaalad adag ayaa meello badan oo dalka ah ka jirta, abaar baahsan ayaa jirta, waxaa naloo sheegay in dadka wixii qixi kara ay qaxeen, dadka qaar ay aadeen dhanka Hirshabelle, xoolihii iney la’daanna ay bilowdeen, culeyskana hadda uu saaran yahay dadka, dowladda Federaalka Soomaaliyana guddigii ay sameysay ee abaaraha ee loo direy xogta iyo macluumaadka ka kala helo meelaha kala duwan haddii uu Alle idmo waan gaarsiin donnaa macluumaadka aan idiin ka qaadnay, dowladda waxay go’aan ku gaartay iyadoo kala guur ku jirto in lacag Saddex Milyan ah iyadu ay ka bilawdo shaqada oo lagu taageero gobollada sida ay baahida u kala daran tahay, laakiin waxaan rabnaa in dadka Soomaaliyeed meel walbo oo ay dunida ka joogaan iney ogaadaan mucaawino hay’ada ajnabi ah soo dhiibtey aaney dadkooda badbaadin karin” ayuu yiri Wasiir Odowaa.

Abaar baahsan oo saameysay dadka iyo duunyada ayaa ka jirta gobollo badan oo dalka ah, waxayna dadka u baahan yihiin gurmad dhan walbo leh.

Goobjoog News