U bood dhigaalka

Dowladda Oo Dhintay Waqtiga Shaqada Ee Shaqaalaha Rayidka Ah

Sheeko:Dalka

Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa Labo Saacadood ka dhintay waqtigii shaqadaha ee shaqaalaha rayidka ah, bisha Ramadan awgeed.

Wasiirka wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha ee xukuumadda Soomaaliya Saalax Jaamac ayaa u sheegay warbaahinta dowladda in shaqaalaha ay subaxdii shaqada geli doonaan 9-ka subaxnimo, ayna ka bixi doonaan 3-da galabino.

“Shaqaalaha Dowlada waqtiga shaqo ee bisha Ramadaan Waxa uu yahay 9:00AM – 3:00PM, bishaan waa bil uu Alle xurmeeyay, waa bishii cibaadada iyo dambi dhaafka, Eebe waxaan ka baryeenaa naxariis iyo dambi dhaaf, waxaana isku dardaarmeynaa Cibaado iyo Alle kacabsi badan si abaarha, fatahaadaha iyo Colaadaha dalka daashay uu Rabi nooga dulqaado” ayuu yiri wasiir Saalax.

Waxay shaqaalaha rayidka ah ee dowladda ay shaqada geli jireen 8-da Subaxnimo, halka ay kasoo bixi jireen 4-ta galabnimo, waxaana middaasi ay ka dhigan tahay in bisha Ramadan laga dhimay Laba saac.

Goobjoog News