U bood dhigaalka

Dowladda Oo Guddi u Saartay Dhacdadii Bariire

Sheeko:Dalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa guddi waxay u saartay dhacdadii shalay ka dhacday deegaanka Bariire ee Shabellaha Hoose, halkaasi oo lagu diley dad shacab ah.

Wasiirka amniga gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Abukar Islow oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa xaqiijiyey in guddigaan ay baaritaan dhab ah ku sameyn doonaan dhacdadaadi.

Waxa uu sheegay wasiir in aan laga hari doonin dhacdadaasi inta laga ogaanayo waxa sababay arrintaasi.

Guddigan ayaa markii ay baaraan arrintan, waxay warbixin kula laaban doonaan dowladda, waxaana ay soo bandhigi doonaan sida ay wax u dhaceyn.

10 qof oo shacab ah ayaa shalay waxaa deegaanka Bariire ee gobolka Shabellaha Hoose ku diley ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo la sheegay iney wehlinayeen kuwo ajaaniib ah.

Goobjoog News