U bood dhigaalka

Dowladda oo Ka Xumaatay Muwaadhiniin Laga Soo Tarxiiley Somaliland

Sheeko:Dalka

Agaasimaha waaxda socdaal iyo jinsiyadaha dowladda federaalka Soomaaliya Jeneraal Cabdullaahi Gaafoow oo hadlay ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay muwaadhiniin Soomaaliyeed oo laga soo tarxiiley Hargeysa.

Waxa uu sheegey in shan dhalinyaro Soomaaliyeed oo Hargeysa u tagay in ay dano soo fushadaan lagu xirey garoonka, kadibna lasoo tarxiiley, taasi oo ah wax aanan la aqbali karin sida uu hadalka u dhigey.

“Waxaan aad ugu xunahay arrin nagu soo laalaabatay, taasoo ah in muwaadiniin Soomaali ah oo dhoofay lagu dhibaateeyay Somaliland, balse innagu marka ay yimaadaan garoonka Muqdisho dhallinyaro kasoo dhoofay Hargeysa iyo Berbera Wanaag ayaanan u Sameynaa wax dhibaato ah oo uu nagala kulmayna ma jirto,” ayuu yiri Gaafoow.

Ma uusan sheegin wax isbadal ah oo ku saabsan sida waaxdani ola macaamisho saraakiisha laamaha socdaalka ee Somaliland, balse hadalka Gaafoow waxa uu u muuqdey uu ku canaanayo.

Mas’uulkani qaabilsan duulista hawada sare ayaanan laakiin ka hadlin xariyaadda maalintii shanaad saaran duulimaadyadii isku xirayay Muqdisho iyo Kenya.

Goobjoog News