U bood dhigaalka

Dowladda Oo Kala Socota: Gobolka Banaadir oo Buug Caafimaad Soo Rogey iyo Wasaaraddii Oo Diiddan

Sheeko:Caafimaadka

Maamulka gobalka Banaadir ayaa maanta shaaciyey iney ku guuleysteen hirgelinta buugga caafimaadka ee ay isticmaalayaan dadka ka dhoofa iyo kuwa ka soo dagaya garoonka Aadan Cadde.

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha maamulka iyo maaliyadda ee gobolka Banaadir Ibraamih Mahad-alle oo arrinkan ka hadlay aya sheegay in baahida buuggana ay ka timid shacabka Soomaaliyeed, qiimahana uu yahay $10, lagana qaadan karo goobaha tikityada laga bixiyo ama garoonka.

Arrintan waxaa taageeray ganacsatada diyaaradaha iyo culimo, iyaga oo sheegay in soo-celintiisa ay ka dhigantahay soo-celinta dowladnimada.

Dhanka kale, mas’uul sare oo ka tirsan wasaaradda caafimaadka ee xukuumadda federaalka ah oo aan dooneyn in magaciisa la xuso, lana hadlay Goobjoog News ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay tilaabada gobolka Banaadir isaga oo intaa raaciyey iney tahay garab marid lagu sameeyey howlaha wasaaradda caafimaadka ee xukuumadda federalka ah, sharci-darro ah, halisna ku tahay nidaamka caafimaadka Soomaaliya.

“Buuggaas wasaaradda caafimaadka kama warqabto, talaal aan shahaado dowladeed wadinin sidee loo hirgelinayaa, dadka yaa kontoroolaya, yaase baaraya, oo xaqiijinaya caafimaadkooda, shahaadana bixinaya, arrintan waa khatar, waana mid ka hor imaaneysa nidaamka caafimaadka dalka”.

Mas’uulka oo sii hadlaya ayaa sidoo kale ka hadlay, “Haddii gobolka Banaadir uu sidaasi sameeyo, sow gobollada iyo dowlad goboleedyada midkooda ma sameysan doonaan, taasi waxay abuureysaa fowdo iyo in meesha laga saaro kaalinta wasaaradda caafimaadka ee si qaran, oo mid ah umadda loogu adeego, loona siiyo adeeg caafimaad oo qaran, oo isku mid ah, gobolka uu rabo ha joogee”.

Goobjoog News waxaa ay la xiriirtay gobolka Banaadir, laakin uma suuro-gelin ayey ka helaan wax faahfaahin ah, oo la xiriira jawaabta wasaaradda.

Goobjoog News