U bood dhigaalka

Dowladda Oo Ku Baaqday In La Joojiyo Dagaalka Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku baaqday in sida ugu dhaqsiyaha badan loo joojiyo dagaallada u dhaxeeya maamullada Puntland iyo Galmudug ee ka socda magaalada Gaalkacyo.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ka xukuumad ahaan ay aad uga xunyihiin  dagaallada Gaalkacyo ee shacabka dhibaatada kasoo gaartay.

Wasiirka waxa uu ugu baaqay madaxda maamullada Puntland, waxgaradka iyo Culimada iney ka shaqeeyaan sidii loo joojin lahaa dagaallada Gaalkacyo, loona gaari lahaa heshiis nabadeed.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay ka xuntahay kana digeysaa in colaad laga dhex huriyo dadka walaalaha ah ee wada daga gudaha magaalada Gaalkacyo, sidoo kale dowladdu waxa ay madaxweynayaasha maamullada Galmudug iyo Puntland, wasiirada salaadiinta iyo waxgaradka ugu baaqeysaa in ka shaqeeyaan joojinta colaadaha sii huraya ee ka jirta gobolka Mudug, si dib loogu soo celiyo wadanoolaanshihii iyo isusocdka bulshada” ayuu yiri wasiir Maareeye.

Ugu Dambeyn wasiir Maareeye ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay waqti badan gelin doonto sidii xal waara looga gaari lahaa dagaallada Gaalkacyo oo noqday kuwo soo noqnoqday.

War-saxaafadeed Taladaadii shalay kasoo baxay maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ay dagaallada Gaalkacyo ka qeybqaateen, iyaga oo la jira kuwa Galmudug.

Goobjoog News