U bood dhigaalka

Dowladda Oo Laga Dalbaday Iney Ka Shaqeyso Sidii Loo Sii Deyn Lahaa Dhallinyaro Ku Xiran India

Sheeko:Dalka

Ehlada dhallinyaro Soomaaliyeed oo weli ku xiran dalka India ayaa ka dalbaday dowladda Federaalka Soomaaliya iney dedejiso ka shaqeynta sidii dhallinyaradan dib ugu heli lahaayeen xorriyaddooda.

Qaar kamid ah ehladan oo ayaa Goobjoog News u sheegay in wiilashooda dhibaato loogu geystay xasbiyada Todobaadyadii ugu dambeeyay.

Waxay dowladda ka codsadeen iney ka dhabeyso ballanqaadyadeedii ahaa in dalka lagu soo celiyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee xabsiyada India ku jira.

5 kamid ah dhallinyaradan ku xiran India ayaa la sheegay in la dhigay Isbitaal, islamarkaana sidoo kale la la’yahay 6 kale oo illaa iyo hadda la ogeyn meel la geeyay.

“Meesha waxaa nooga xiran rag badan, dhibaato aad u badan ayaa loo geystay, waxay askarta ku sameeyeen jir dil xooggan, Shan kamid ah Isbitaal ayaa la dhigay, 6 kalena meesha la geeyay lama oga oo waa la layahay, waxaan ka codsaneynaa dowladda Federaalka in dadkaasi raadintooda ay gasho, iyadoo howsha ay dhowdahay ayeey ka seexatay, waxaan dalbaneynaa in dadkaan lasoo daayo” sidaasi waxaa yiri mid kamid ah ehlada dadkan ku xiran India oo la hadlay Goobjoog News.

Ugu dambeyn dadkaan ayaa si gaar ah waxay madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Kheyre uga codsadeen in dadkooda loo soo daayo.

1-dii August waxaa heshiis kala saxiixday dowladaha Soomaaliya iyo India, waxaana heshiiskaan uu dhigayaa in dowladda Federaalka Soomaaliya lagu soo wareejiyo 118 maxbuus oo loo haysto falal la xiriira burcadbadeednimo kuwaasi oo ku xiran dalka India.

Goobjoog News