U bood dhigaalka

Dowladda oo lagu dhaliilay xiisada Baydhabo

Sheeko:Dalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu dhaliilay in ay ka gaabisay xal u helida xiisadaha siyaasadeed ee ka jira magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Xilli magaaladaasi uu ku sugan yahay guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo wafdi uu hogaaminayo isla markaasina aysan muuqan muhiimadda shirarka ka soconaya Baydhabo ayaa lagu dhaliishanyahay dowladda in sidii loo baahnaa aysan ugu istaagin is maandhaafka siyasadeed ee salka ku haya dhismaha maamul goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya.

Prof Cabdi Kariin Daa’uud Nuur oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa isaga oo la hadlaya Goobjoog FM waxa uu sheegay in qaabka ay haatan dowladdu u wajahday isu keenida maamulada lixda gobol iyo saddexda gobol aysan qancineyn shacabka ka soo jeeda goboladaasi.

Waxa uu intaasi raaciyay in looga baahan yahay dowladda in ay meel mariso rabitaanka shacabka isla markaasina ay gogol nabadeed u dhigto siyaasiyiinta kala fikirka duwan si looga gudbo caqabadaha hor taagan maamulka uu dastuurku ogolaanayo.

Hoos ka dhageyso wareysiga Cabdulqaadir Max’ed cabdulle uu la yeeshay aqoonyahan Cabdi Kariin Daa’uud Nuur: