U bood dhigaalka

Dowladda Oo Lagu Eedeeyey In Hubka Ay Dalka Keento Lagu Iibiyo Muqdisho

Sheeko:Dalka

Hub badan oo ay keensatay dowladda Soomaaliya oo Qaramada midoobay ay ka war haysay ayaa laga iibiyey dad hubka ka ganacsada kuwaas oo si qarsoodi ah ama suuq madow ah hubka ugu kala iibsada caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho, sidaana waxaa sheegay labo Diblomaasi oo reer galbeed ah.

Diblomaasiyiintan oo magacooda ka gaabsaday ayaa u sheegay Wakaaladda wararka ee Reuters ganacsiga nuucan ah wuxuu xadgudub ku yahay heshiis Saddex sano ah kaas oo dowladda u ogolaannaya inay hub ku keensato, golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa qeyb ahaan ka qaaday Soomaaliya cunaqabateynta dhinaca hubka sanadkii 2013-kii si loo hubeeyo ciidamada dowladda ee dagaalka kula jira xarakada Al-shabaab ee gacan saarka la leh ururka Alqaacida.

Qaramada Midoobay ayaa dalka Soomaaliya saartay cunaqabateynta hubka wax yar kadib markii dalku galay dagaallo sokeeye.

Labadaan diblomaasi ayaa sheegay in hub badan oo lagu kala iibsado suuqyada Muqdisho ay dowladda Soomaaliya dalka keentay kadib markii qeyb ahaan laga qaaday cunaqabateynta.

Goobjog News