U bood dhigaalka

Dowladda oo Lagula Taliyay Diyaarinta Maamulka Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe

Sheeko:Dalka

Aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa sheegay in ka hor inta aan la furi Shirka Maamul u samaynta Gobolada Hiiraan iyo Sh.DHexe loo baahna in  Dowlada Federaalka ay samayso Guddiga  diyaarinta Maamulka labada Gobol.

Aqoonyahan Maxamed Maxamuud Nuur ayaa sheegay in  sababaha keenay in beelaha qaar ay tabasho muujiyaan ay tahay Guddigaas loona baahnaa  in ka hor  furitaanka  shirka la dar dar galiyo.

Waxa uu  xusay aqoonyahankan in Dowlada looga baahan yahay in ay qaado talaabo kasta oo ay ku xalinayso  muranka hada soo ifbaxay ee ka  imaanaya Magaalada Beledwayne ee Gobolka Hiiraan.

Waxa uu intaa warkiisa ku daray in ay wanaagsan  tahay dhismaha Maamulka lagu midanayo Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha DHexe.

Mar uu ka hadlayay shirka ka furmaya Magaalada Kismaayo waxa uu sheegay Aqoonyahan Maxamed Maxamuud Caalim  in uu ku talin lahaa in arimaha  doorashooyinka laga hadlo marka Dowladu ay dhamaystirka Maamulada dalka