U bood dhigaalka

Dowladda Oo Loogu Baaqay In Maamul Goboleedyada Kala Tashato Siyaasadda Dibadda

Sheeko:Dalka

Diblumaasi Soomaaliyeed ayaa sheegay in dowladda federaalka lagaga baahan yahay in maamullada dalka ay iskaashi kala sameyso wada xaajoodyada caalamiga ah.

Diblumaasi Maxamed Maxamuud Nuur ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog ku sheegay in mad-madowga siyaasadeed ee soo kala dhexgalay dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada qaar lagu xallin karo in madaxweyne Farmaajo uu talada ka qeyb galiyo dowlad goboleedyada.

Wuxuu sheegay in arrintani ay saameyn ku yeelan karto howlaha dowliga ah ee Soomaaliya si taas looga baaqsadana ay muhiim tahay in dhinacyadu ay ka wada arrinsadaan arrimaha caalamka.

Hoggaanka Dowladda federaalka ayuu ku dhaliilay inay talada la wadaagin maamullada islamarkaana dowladnimada ay ka billaabato maamullada dalka ka dhisan.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga:

WAREYSI DIBLUMAASI MAXAMED MAXAMUUD NUUR 23-09-2017