U bood dhigaalka

Dowladda Oo Loogu Baaqay Iney Wax Ka Bedasho Dagaallada Ay Kula Jirto Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Mid kamid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed ayaa dowladda federaalka ugu baaqay inay wax ka bedasho dagaalka ay kula jirto Xarakada Al-shabaab.

Idiris Sheekh Xasan Faarax oo wareysi siiyay Goobjoog ayaa sheegay in dagaalkani oo hadda uu kusoo biiray Maraykanka aynaan waxba ka bedali karin xaaladda qalafsan ee uu dalka ku jiro.

Waxaa uu sheegay in shacabka ay dowladda ku taageeri karaan markii ay ka helaan wixii ay u baahan yihiin oo aynaan ku taageeri karin adeeg la’aan, tusaale in ay u hirgaliso adeegyadii bulshada sida caafimaadka iyo waxbarashada.

Dowladda federaalka ayuu sheegay in ay muhiim tahay in wajiyo kale ay ku raadiso nabadeynta dalka maadaama dagaalka uu muddo socdo.

“Ajaaniib badan oo dalka timaada dagaalka kuma imaanayo, waxaa hubanti ah in haddii shacabka ay dowladda la shaqeeyaan in dagaalka weji cusub uu yeelanayo, sidoo kale dowladda haddii ay shacabka siiso adeegyadii muhiimka ahaa waxaa imaan doonta in dadku aysan aqbalin wax walbo oo dowladda lagu dhibayo, dagaalkana weji cusub ayuu u baahan yahay” ayuu yiri Idiris.

Hadalka aqoonyahankan ayaa imaanaya xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay dardargelisay dagaallada ka dhanka ah Xarakada Al-shabaab.

Goobjoog News