U bood dhigaalka

Dowladda Oo Loogu Baaqay La Xisaabtanka Ciidamada AMISOM Ee Marka

Sheeko:Dalka

Sheekh Cumar oo ka mid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya, in sida ugu dhaqsiyaha badan ay la xisaabtan kula gasho ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa ku sugan magaalada Marka oo dhawaan dad shacab ah ku dilay magaaladaaso.

Waxa uu sheegay in ayaan darro ay tahay, ciidamada AMISOM in si bareer ah u dilaan dad shacab Soomaaliyeed ah, waxaana uu tilmaamay in taasi aan indhaha laga daboolan karin.

Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay hadii aysan arintaasi tallaab cad uga qaadin inay u arki doonaan iyaduna qeyb inay ka tahay wixii ka dhacay magaalada Marka.

“Dalka dowlad ayaa ka jirta, iyada ayaa laga rabaa in ay la xisaabtanto AMISOM, hadii aysan taasi dhicin, dowladda ayaan u aragnaa in iyadu ay mas’uul ka tahay wax walba oo dhaca” ayuu yiri Sheekh Cumar

Dhacdadii ugu dambeysay ee AMISOM ka geysteen magaalada Marka waxa ay ku dileen shacab badan oo ay ku jireen Aabe iyo Afar Caruur ah oo uu dhalay.

Goobjoog News