U bood dhigaalka

Dowladda Oo Magacaawday Guddi Ka Shaqeyn Doona Gurmadka Dalkii Wax Ku Noqday Qaraxii Xarunta Gobalka.

Sheeko:Amniga

Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa magacaawday guddi ka kooban wasiiro iyo maamulka gobalka Banaadir , kuwaas oo ka shaqeyn doono sidii gurmad deg deg ah loogu fidin lahaa dadkii ay wax ka soo gaareen Qaraxii ka dhacay xarumnta dowladda hoose ee Xamar.

Guddigaan la soo magacaabay ayaa ka shaqeyn doono sidii ay u heli lahaayeen gurmad caafimaad oo dalka  ama dibadda ah dadkii wax ku noqday Qaraxii shalay ka dhacay magaalagada Muqdisho gaar ahaan xarunta gobalka Banaadir.

Qaraxa ayaa geystay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray mas’uuliyiin ka tirsanaa maamulka gobalka Banaadir ‘ ayadoo inta la xaqiijiyay ilaa  lix ruux ay ku dhinteen halka lix kale ay ku dhaawacmeen oo uu ku jiro godoomihii gobalka Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow.

Halkaan ka AKhriso magacyada liiska

Goobjoog News