U bood dhigaalka

Dowladda oo Mamnuucday Dibadbaxyada iyo Isu Imaatinka

Sheeko:Amniga

Shir Jaraa’id oo uu qabtay Cusmaan Dubbe oo ah wasiirka warfaafinta oo la joogeen wasiirka caafimaadka iyo qaar ka tirsan hey’adaha amniga ayaa lagu mamnuucay isu imaatinka iyo dibaxyada xilli jimcaha lagu waday in mucaaradka dhintaan bannaanbax.

Shir ay isugu yimaadeen hey’adaha arrimaha CoVID 19, oo warbixin looga dhageystay wasiirka caafimaadka, lana tixgeliyey baaqyada kasoo baxaya qeybaha kala duwan ee bulshada sida culimada, ganacsatada, bahda waxbarashada, aqoonyahanada, in dheer garadka, haweenka iyo dhalinyarada isla markaana ay la tashteen Madaxweynaha waxay xukuumadda soo saartay;

1. In la fasaxay shaqaalihii rayidka ahaa ee dalka, marka laga reebo shaqalaha ma huraanka ah ilaa amar dambe.

2. In gebi ahaanba la joojiyey isu imaatinnada iyo is ururka bulshada,

3. Iney waajib tahay dadka ka shaqeeya meelaha aan looga maarmi karin ay qaataan afsaar.

4. In la joogteeyo kala fogaamta masaafada dadka sida gaadiidka iyo Maqaayadaha

5. In la yareeyo Safaradda laga maarmi karo

6. In Masaajidda lagu dadaalo kala fogaan, afdabool iyo nadaafadda

7. In ciidamada u xil saaran yihiin dhaqan gelinta go’aamadan

8. Goobaha Waxbarshada iyo cayaaraha waxaa loo xakameyn doonaa si khaas ah

GoobJoog News