U bood dhigaalka

Dowladda Oo Qorsheyneysa Iney Dib Usoo Celiso Maraakiibtii Dalka

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha Hay’adda cilmi baarista Badaha Soomaaliyeed Admiraal Faarax Qare ayaa sheegay In Dowladdu aysan wax taageero ah siinin Hay’adda Cilmi baarista Badaha Soomaaliyeed. waxa uu dalbaday in la helo Dad yaqaana Cilmiga badaha si loo badbaadiyo kheyraadka Badaha Soomaaliyeed.

“Waan doodnay, waxaanna isku waafaqnay in cilmiga badaha cid rabtaba aanay jirin. Waayoo shaqo iyo mashaariic badda ka socoto ma jirto, nabadgeliyadeedaa xun, xeebahii oo dhan waa la heystaa. Marka cid cilmiga badaha usoo socoto ma jirto, cid walba waxey aaday meesha ay shaqo ka heleyso. Si’aan dadka u geesinimo gelino (u dhiirrogelino) lacag la’aan ka dhigno (ayaan isku raacnay) welina waan ku wadnaa. Afartaas haddii ay noo taabogasho Soomaaliya wax dambe oo ay bad ugu baahantahay ma jirto. Sidaa awgeed maanta waxaan rabnaa gundhiggii labada kulyadood oo main-ka in aad nala dhigtaan oo aad noo furtaan ayaan jecelnahay” ayuu yiri Admiraal Faarax Qare.

Gudoomiyaha Hay’adda cilmi baarista Badaha Soomaaliyeed Admiraal Faarax Qare ayaa hadalkaasi ka jeediyay munaasabad ka dhacday Xarunta Akadeemiyada Cilmiga Badaha Soomaaliyeed oo lagu daahfurayay kulyado cusub oo la-xiriirta culuumta badda.

Wasiir ku xegeenka Dakadaha Soomaaliya Xildhibaan Cismaan Daallo oo munaasabadda kasoo qeyb galay ayaa sheegay In wasaarada ay soo Celinayso Maraakiibtii Dowladda Soomaaliya ay laheyd kuwo cusubna ay kenayaan.

“Dowladda Soomaaliyeed maraakiib ayey laheyd qaarkoodna waa ay noolyihiin qaarkoodna waa ay burbureen. Inta nool Wasaaraddu waxa ay u istaageysaa in lasoo celiyo oo gacanta dowladda lagu soo celiyo iyo maraakiib kale oo cusub. Waxaa dalkeenna ama badaheenna haweeysanaaya ama rabo in ay qaataan waa dad ama dalal dhisnaa intii aan burburka ku jirnay oo waxbaranayay intii aan burburka ku jirnay oo xog raadinayay. Hadii marka aqoontaas aqoon laga horgeeyo ama dad kaadiriinta oo horfariisato haddii aan loo helin waxaaga farahaaaga ayaa lagala baxaayaa” ayuu yiri mudane Cismaan Daallo.

Ugu dambeyntii, wasiirka wasaaradda Gaadidka dekadaha iyo badda somaaliya Maryan Aweys Jaamac oo sidoo kale goobjoog ka aheyd munaasabadda ayaa xustay in ka Wasaarad ahaan wadaan diiwaan galinta sidii loo soo celin lahaa hantidii dowladda gaar ahaan kuwa ay wasaarada leedahay oo ay heystaan shacabka.

Goobjoog News