U bood dhigaalka

Dowladda Oo Raashiin Gargaar Ah Kala Wareegtay Dowladda Shiinaha

Sheeko:Dalka

Mas’uuliyiin ka socotay dowladda Soomaaliya oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka socday Shiinaha ayaa hay’adda cuntada aduunka WFP kala wareegay  raashin gargaar ah oo loogu talo galay dadka ay abaaruhu saameeyeen kuwaas oo ku nool duleedka magaalada Muqdisho.

Qorshaha ayaa ah in maalintii loo kariyo Sagaashan iyo Shan Kun oo barakacyaal ah cuntadaan oo wadato iidaankeeda.

Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya ayaa sheegay  in ka dowlad ahaan ay sii wadi doonaan gargaarka Soomaaliya, wareejinta raashinkaan ayaa waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka socda hay’adda cuntada aduunka ee WFP iyo wasiirka gargaarka iyo musiibooyinka qaranka Drs Maryan Qaasim.

Drs Maryan Qaasim ayaa waxay sharxaad ka bixisay qaabka ay u maareyn doonaan ka dowlad ahaan raashinkaan.

“Maanta munaasabaddaan aan iskugu nimid, waxay dabo socotaa munaasabad hore oo bishii agosto oo aheyd deeq nooga timid Shiinaha,deeqda maanta timid waxay ka koobantahay bariis kaas oo ah 2800 oo tan ah“

Dowladda Soomaaliya oo ay u hadshay wasiirka gargaarka ayaa waxay rajo ka muujisay in laga bixi doono gacan hoorsiga ,iyada oo sheegtay in dadka lagu baraarujin doono iney tabcadaan beerahooda.

Goobjoog News