U bood dhigaalka

Dowladda Oo Rajo Ka Muujisay In Dib Loo Helo Adeegga Internet-ka

Agaasimaha guud ee wasaaradda Boostada iyo isgaarsiinta xukuumadda Soomaaliya mudane Axmed Xaaji Cabdi ayaa waxa uu sheegay in Interneet la’aanta ay saameyn weyn ku yeelatay dalka.

Agaasimaha  ayaa waxa uu sheegay in ka wasaarad ahaan ay dadaal ugu jiraan sidii uu dib ugu soo noqon lahaa Internetka oo maalmo ka maqan dalka arrintaasi oo saameyn weyn ku yeelatay muwaadiniinta.

“Internetka waxa uu ka maqan yahay dalka waana cillad guud oo soo wajahday, waan la soconnaaa shirkadaha ku howlan Internet-ka xiriir ayaa lasameynaa si aan u ogaanno hadba xaaladda meesha ay mareyso”.

Maqnaashiyaha Internetka ayaa waxa uu saameyn weyn ku yeeshay guud ahaan dalka, waxa uuna si gaar ah uu  u saameeyay ganacsatada iyo shirkadaha duulimaadyada.

Sidoo kale waxa uu saameeyay dadka wax ku qori jiray baraha bulshada kuwaas oo maalin walba dhigi jiray qoraallo iyo qormooyin.

Ilaa iyo hadda lama oga xilliga uu soo laabanayo, balse waxaa jira dadaallo ay sameynayaan shirkadaha Interneetka iyo wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta xukuumadda Soomaaliya, iyada oo rajo ka muujisay in dib  uu u soo laabanayo Interneetka.

Goobjoog News