U bood dhigaalka

Dowladda oo shaacisay in Berri ay Tahay Maalinta Koowaad Ee Bisha Ramadaan

Sheeko:Dalka

Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay in maalinta berri ah ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan, bulshada kuwaaada wax heysatana looga baahanyahay inay is caawiyaan.

Guddoomiyaha Golaha Guud ee Culimada Soomaaliyeed Sheekh Maxamuud Cabdi Baari ayaa sheegay in tan iyo maqribkii caawa ay u joogeen istuudiyaha Radio Muqdisho xaqiijinta bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah guddoomiyaha Hay’adda culimada Soomaaliyeed oo isna bulshada kala la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in culimada iyo Madaxda Wasaaradda Diinta ay iska kaashadeen raadinta bisha barakeysan, waxaana uu shacabka  ugu baaqay inay ka faa’iideystaan bilashada bisha Ramadaan, ganacsataduna ay shacabka u dhibriyaan.

Sheekh Cali Wajiis oo ah lataliyaha Madaxweynaha Soomaaliya ee dhanka Diinta ayaa sheegay in mowduuca la isugu yimid ay tahay in la sugo bilashada bisha Ramadaan, isla markaana dadaal badan lagu bixiyay sidii arrintaasi loo xaqiijin lahaa.

Agaasimaha Waaxda Diinta ee Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya Sheekh Cali Sheekh Maxamuud (Sheekh Cali Dheere) ayaa sheegay in qeybo badan oo dalka ka mid ah laga arkay bilashada bisha Ramadaan, isagoo intaa ku daray inay xiriiro la sameeyeen culimaa’udiin Soomaaliyeed, maalinta berita ahna ay tahay maalin soon.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta Sheekh Cumar Cabdicasiis Faaruuq ayaa sheegay in maqrabkii ilaa iyo hadda la wacayay gobolo kala duwan oo dalka ka mid ah, isagoo xaqiijiyay in beri ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan kaddib xiriiro kala duwan oo ay la sameeyeen culimaa’udiin badan.

Wasiirka Awqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya Sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa Ummadda Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyay bilashada bisha barakeysan Ramadaan oo ku aadan beri oo Jimco ah, waxaana uu ganacsatada ugu baaqay inay afuriyaan walaalahood aan waxba heysan.

“Ganacsatada waxaan ka codsaneynaa inay isu gar gaaraan oo ay gacan siiyaan shacabka Soomaaliyeed ee tabaaleysan, waxaan rabnaa in gebi ahaanba la xiro goobaha shaaha lagu cabi jiray iyo maqaayadaha xilliyada maalintii la canteen jiray, Alle ha naga dulqaado dhibaatada cudurka, Ramadankan kiisa kale Alle ha nagu gaarsiiyo bash bash iyo Barwaaqo” ayuu yiri Wasiirka Awqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya.

Goobjoog News