U bood dhigaalka

Dowladda Oo Shaacisay Iney Gacanta Ku Dhigtay Sarkaal Ka Tirsan Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay iney maanta gacnta ku dhigtay sarkaal ka tirsan Xarakada Al-shabaab, kadib howlgal ay ciidamada ammaanka ka sameeyeen Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka amniga gudaha ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa sheegay in shaqsigan la qabtay lagu magacaabayey C/wahaab Khaliif Axmed Tarabuun, kaasi oo uu tilmaamay inuu qaabilsanaa weerarada iyo qaraxyada ka dhaca Muqdisho.

Wasiirka ayaa uga mahdceliyey ciidamada ammaanka howlgalkaan ay fuliyeen wuxuuna ku dhiirogeliyey in howlgallada sidan oo kale ah ay sii wadaan.

Sidoo kale wasiir Islow ayaa ugu baaqay shacbka Soomaaliyeed iney la shaqeeyaan ciidamada ammaanka si loo sugo amniga Muqdisho iyo guud ahaan dalka.

Goobjoog News