U bood dhigaalka

Dowladda Oo Shaacisey Iney Dishey Hoggaamiyaha Al-shabaab Ee Sh/hoose

Sheeko:Dalka

War-saxaafadeed goor dhow kasoo baxay wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay 5-tii bishan ay gobolka Shabellaha Hoose ku dileen hoggaamiyahii Al-shabaab u qaabilsanaa gobolkaasi.

Hoggaamiyaha ay dowladda sheegtay iney dishay ayaa lagu magacaabaa Macallin Cismaan Cabdi Baadil, sidoo kalena waxaa war-saxaafadeedka lagu sheegay iney lala dilay Saddex kale oo ka tirsan dagaalyahannada Al-shabaab.

“5tii May 2017 ayey Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ay dileen Hoggaamiyahii Al-Shabaab Macallin Cismaan Cabdi Badil iyo seddex maleeshiyaadka kooxdaas ah. Dhimashada hoggaamiyaha waxey wiiqeysaa awooda kooxda argagaxisada ah ee ka howlgasha Shabeelaha Hoose, taboo ah guul weyn oo u soo hoyatay ciidanka iyo nabadeynta gobolkaas” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Sidoo kale war-saxaafadeedkan ayaa lagu yiri “Howlgalkan ciidanka waa mid dib loogu xoojinayo dagaalka lagula giro kooxaha argagaxisada ee Al-Shabaab iiyo cabsida joogtada ah ee kooxdani ay ku cabsigeliyaan shacabka Soomaaliyeed”

Ugu dambeyn war-saxaafadeedkan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa baa loogu direy dhallinyarada Al-shabaab ka tirsan, waxaana loogu baaqay iney kooxdaasi isaga soo baxaan oo ay isku dhiibaan dowladda Federaalka ah.

“Maleeshiyaadka Al-Shabaab waxaa u furan fursad ay kooxdaas argagaxisada ah uga soo baxaan bacdamaa ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed iyagoo kaashanaya saaxiibada Soomaaliya waxey xoojinayaan dagaalka lagula giro argagaxissada ah. Dhalinyaro fara badan ayaa Dowladda ku soo biiray ee inta ay goori goor tahay fadlan ka soo carar kooxdaas argagaxisada ah. Waana fursad qaali ah oo aad dib-u-dhiska dalkaaga uga qeybqaadan karto, kuna hagaajin karto mustaqbalkaaga, kan qoyskaaga iyo kan dalkaaga”

Weli dhanka Al-shabaab war kama aanay soo saarin waxa ka jira in laga dilay hoggaamiyahoodii u qaabilsanaa dhanka gobolka Shabellaha Hoose, hase ahaatee dhowaan ayeey ahayd markii gobolkaasi ay howgal ka wada fuliyeen ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Maraykanka.

Goobjoog News