U bood dhigaalka

Dowladda oo sheegtay in ay xakameysay awoodda burcad badeeda Soomaaliya

Sheeko:Dalka

War-saxaafadeed: Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Mudane Abdullahi Dool Mohamed ayaa maanta dib ugu soo laabtay Caasimadda Muqdisho , kadib markii uu kaga qeybgalay Magaalada Cochin ,gobolka Kerela ee dalka India shirka wadahadalka wadamada kulaala Badweynta Hindiya“ India Ocean Dialogue”  , kaasoo ay ka qeybgaleen 28 dal oo qaarkood aan xubno ka aheyn Ururka , ayna uga qeyb-galeen qaab korjoogto ah.

Mudane Abdullahi Dool , ayaa shirkaasi ka jeediyay khudbad dheer oo uu kaga hadlay horumarka balaaran ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka gaartay dhinacyada Siyaasadda,ammaanka, dib u heshiisiinta, dowlad wanaaga, la dagaalanka argagaxisada iyo burcad badeeda .

Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa uu ka hadlay sababaha keenay in burcad badeeda ay ka dilaacdo xeebta dheer ee dalka oo ay ka duulaan tagaan , isagoo arrin farxad leh ku tilmaamay in sanadkan aanu dhicin fal la xiriira afduubasho maraakiib , taasoo uu xusay inay tusaale wanaagsan u tahay dagaalka iyo howlaha wacyigelinta ah ee dowladdu ku xakameysay burcad badeeda .

Waxaa xusid mudan , in Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Mudane Abdullahi Dool Mohamed mudadii uu kulanka ka socday Magaalada Cochin inuu kulamo gaar gaar ah la kala yeeshay ergadii shirkada u mataleysay wadamada India, UK, Mareykanka, Yemen , Imaaraadka Carabta, China, Singapore, Bangladesh , Seychelles, Mauritius, Kenya, Tanzania, Indonesia iyo Malaysia , ayna isku afgarteen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhinacyada badan leh.

Xoghayaha joogtada ayaa  waxaa  maanta garoonka diyaaradaha  ku soo dhoweeyay agaasimaha guud habmaamuuska qaranka Adv. Hersi Haji Olosow , Agaasimaha Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda iyo Tababarada Mudane Yusuf Alasow Mohamud  iyo saraakiil kale oo ka tirsan  Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga.