U bood dhigaalka

Dowladda Oo Sheegtay In Dib u Habeyn Lagu Sameyn Doono Tuulada Ciyaaraha Dalka

Sheeko:Dalka

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dib u habeyn lagu sameyn doono Tuulada ciyaaraha dalka, kadib markii ay halkaasi isaga baxeen ciidamada AMISOM, laguna wareejiyey dowladda dhexe.

Wasiirka wasaaradda ciyaaraha iyo dhallinyarada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in lasoo celin doono bilicdii uu lahaa garoonka Muqdisho.

Waxa ay sheegtay wasiir Khadiijo in garoonkan uu leeyahay meello badan oo lagu ciyaari karo.

“Dowladda waxay diyaar u tahay dayactirkiisii, bilicdiisii iyo in dhowaan lagu howlgalo” ayeey tiri wasiir Khadiija.

Muddo ka badan 8 sano ayeey ciidamada AMISOM deganaayeen garoonka Muqdisho ama Tuulada ciyaaraha, iyadoo garoonkaan uu yahay mid muhiimad gaar ah leh.

Goobjoog News