Dowladda Oo Sheegtay In Gacanta Lagu Dhigay Dad Lala Xiriirinayo Qaraxii Zoobe

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay dad lala xiriirinayo qaraxii xooganaa ee 14-kii bishan ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka amniga gudaha Maxamed Abukar Ducaale Islow oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay jiraan tiro dad ah oo qaraxaasi loo qabtay, balse wixii natiijo ah ay dib ka faah faahin doonaan.

Wasiirka ayaa sheegay in ay hayaan xoogaa xog ah, balse wuxuu tilmaamay in dib ay warbaahinta kala wadaagi doonaan, dhanka kalena wasiirka ma aanu sheegin tirada dadka ay u xireen qaraxii Zoobe.

“Waxaa jirta in hay’adaha amniga maalmahan ka shaqeynayey arrintaan, waxaa jirta in dad loo xiray, xoogaa xog ayaan haynaa, dib ayaana idiin la wadaagi doonnaa” ayuu yiri wasiirka.

Qaraxii Zoobe ayaa galaaftay nolosha dad badan oo shacab ah, iyadoo dowladda laga sugayo natiijada baaritaanka ay waddo.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW