U bood dhigaalka

Dowladda Oo Sheegtay In Saraakiil Ka Tirsan Al-shabaab Ku Dileen Gobolka Shabellaha Hoose

Sheeko:Dalka

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay inay weerar ay ciidanka Danab ee sida gaarka ah u tababaran ka geysteen gobolka Shabellaha Hoose ku dileen dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

Wakaaladda wararka SONNA oo soo xiganeysa saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga dalka ayaa sheegtay in ciidanka Kumaandoosta oo kaashanaya kuwa saaxiibada caalamiga ah (Maraykanka) ay duqeyn ku dileen Afar Sarkaal oo ka tirsan Al-shabaab, deegaanka Toorotoorow ee Shabellaha Hoose.

Saraakiishaan ayaa Labo ka mid ah lagu sheegay in Al-shabaab u qaabilsanaayeen Canshuuraha iyo Gobolka Shabellaha balse magacyadooda lama shaacin.

Sidoo kale waxay saraakiishan sheegeen in weerar kale oo ciidnaka Danab ka geysteen duleedka deegaanka Lambar 60 ay ku dileen 6 ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab.

Ciidamada Danab ee sida gaarka ah u tababaran ayaa weeraro gaar ah ka fuliya meelaha ay ku sugan yihiin ciidamada iyo Xarakada Al-shabaab.

Goobjoog News