U bood dhigaalka

Dowladda Oo Sheegtay Inay Burburisay Saldhigyo Al-shabaab Ku Lahaayeen Shabellaha Hoose

Sheeko:Dalka

War-saxaafadeed laga soo saaray xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu sheegay in ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dowladda Soomaaliya ee Danab kana tirsan Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ay burburiyeen Labo saldhig Al-shabaab ku lahaayeen deegaanka Aw-dheegle ee gobolka Shabellaha Hoose, sidoo kalena gubeen gaadiid dagaal.

War-saxaafadeedka ayaa sidan u qoran:-

Muqdisho, 26 July 2016 (Villa Somalia)—Ciidammada sida gaarka ah u tababaran ee Danab oo ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo ay wehliyaan Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa waxyeelo xooggan ugu geystey maliishiyaadka argagixisada Al Shabaab degaanka Aw-Dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidammada huwanta ayaa cagta mariyay laba xero oo Al Shabaab ay halkaasi ku lahayd, waxaana isla goobtaasi lagu dilay saddex ka mid ah argagixisada, iyadoo laba gaari oo kuwa dagaalka ahna laga burburiyay.

Ciidanka Danab iyo kuwa Midowga Afrika ayaa markii ay goobtaasi gaareen waxaa iska caabbin ay kala kulmeen argagixisada Al Shabaab, laakiin ma jiro wax khasaare ah oo soo gaaray Danab iyo AMISOM midkoodna.

Degaanka Aw-Dheegle ayaa waxaa Al Shabaab ay ku lahaayeen baro ay si sharci darro ah dadka lacago uga qaataan.

Ciidammada huwanta ayaa maalmahan gobolka Shabeellaha Hoose ka wadey hawlgalo culus oo ay ku waxyeeleynayaan dhaqdhaqaaqyada kooxda argagixisada Al Shabaab ay gobolka ka waddo.

Hawlgalka Aw-Dheegle ayaa noqonayaa mid ay ku diirsan doonaan shacabka degaankaasi, maadaama ay meesha ka baxayaan lacagihii sida khasabka looga qaadan jirey iyo falalkii argagixisonimo ee ay Al Shabaab kala kulmi jireen.

Ciidanka Danab oo ka mid ah Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa waxaa uu ka kooban yahay xubno si gaar ah loogu tababarey inay la dagaalamaan, isla markaana baabi’iyaan argagixisada Al Shabaab ee Soomaaliya ku sugan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka go’an inay sii socdaan hawlgalada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM ee hadafkoodu yahay in Al Shabaab laga ciribtiro dalka.

———————————DHAMMAAD——————-—-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada