U bood dhigaalka

Dowladda Oo Wada Qabanqabaada Munaasabadda Maalinta Calanka Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

Xukuumadda Soomaaliya ayaa wada qaban-qaabada xuska maalinta calanka Soomaaliyeed 12-ka Octobar oo maanta ku beegan.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Xukumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi xayir (Maareeye) ayaa ka hadlay Qaban qaabada Xuska Maalinta Calanka Soomaaliya,oo ku beegan 12-ka Oktoobar,waxaana uu ugu baaqay Ummadda Soomaaliyeed in ay u diyaar garoobaan maamuusidda Maalintan.

Qabanqaabada munaasabado lagu weynaynayo maalinta calanka ayaa ka soconaya magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah goballada dalka oo la filaayo inay ka dhacaan munaasabadahaasi.

Madaxda ugu sarreysa dalka ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan munaasabaddani, waxaana sanadka kasta marka xiligani la gaaro laga xusaa Soomaaliya iyo caalamka meel walba oo ay umadda Soomaaliyeed joogto.

Goballada Soomaaliya ayaa maanta qeyb ka noqon doona meelaha laga xusi doono maalinta calanka 12-ka Octobar, halkaasoo maamul gobaleedyada ay ku qaban doonaan xaflado lagu muujinayo muhiimadda uu dad ahaan inoo leeyahay calanka.

12-kii October Sanadkii 1954 ayay ahayd markii ugu horeysay ee Calanka Soomaaliya laga taago ciidda hooyo,iyadoo ay ka soo wareegatay 61 Sano, waxaana dadbadan oo Soomaaliyeed ka xanaqeen isku dayga dalalka derisku ku dhaawacayaan calanka Soomaaliya.

Goobjoog News