U bood dhigaalka

Dowladda Oo Waddo Qorshe Ay Ku Maamuli Doonto Mashaariicda Deeq Bixiyeyaasha

Sheeko:Dalka

Dowlada Federaalka ee Soomaaliya ayaa waddo qorshaha saxiixa iyo maamulista mashaariicda deeq bixiyeyaasha ugu deeqaan Soomaaliya loogu soo celin lahaa gacanata Soomaalida

Wasaarada qorsheyntaiyo xiriirka caalamiga ah ee dowlada soomaaliya ayaa sheegtay in horraanta sanadka soo socda ee 2017-ka ay dowlada maamuli doonto dhammaan mashaariicda midowga Yurub uu ka fuliyo Soomaaliya.

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah C/raxmaan Caynte oo shalay gaaray Cadaado ayaa doonaya in hay’adaha horumarinta maamul gobaleedyada iyo wasaaradda ay isku fahmaan sidii tallaabadan ay wado wasaarada loo suurta galin lahaa.

Sakariye Cabdullaahi Xasan oo ah agaasimaha mashaariicda Qaranka ee wasaaradda Qorsheynata ayaa u sheegay Goobjoog News in haddii arrintan ay dhacdo ay tahay mid guul ah.

“Waxyaabaha ugu badan ee arrintan wax ka qaban doonto waxaa kamid ah shaqo la’aanta dalka ka jirta ee dhallinyarada u keenta iney tahriibaan ama meello kale aadaan, mashaariicda gudaha dalka ayeey ka dhici doonaan heer kore illaa heer hoose waxaa maamuli doonta Soomaaliya, waxaa dhici doonta in hay’ado badan oo Nairobi fadhiya ay dalka yimaadaan oo dowladda ka ammar qaataan, waxaa is bedalaya markaas wejigii ay lahayd Soomaaaliya, la ogaado hay’adaha sidey wax u qabtaan, waxayna taasi sahleysaa in nidaamkii dowladnimo soo laabto, uuna kabmo dhaqaalaha dalka” ayuu yiri Agaasimaha.

Mashaariicdan ay dowladda maamuli doonto ayaa ah kuwa ka imaanaya Midowga Yurub, oo waliba si toos ah dowladda loogala xaajoon doona, haddii saxiixaasi uu dhaco.

Tan iyo markii dowladii dhexe ee Soomaaliya ay burburtay waxaa mashaariicda ay ku deeqaan dalalka reer galbeedka gaar ahaan midowga yurub si toos ah ugu bixin jireen qarashaadka iyo maamulka mashaariicda hay’adaha aan dowliga aheyn.

Goobjoog News