U bood dhigaalka

Dowladda Oo Xirtay Jidka Muqdisho-Afgooye iyo Gobolka Banaadir oo Diyaariyey Jid kale

Sheeko:Amniga

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa saaka xirtay jidka u dhaxeeya Muqdisho-Afgooye sababo lagu sheegay dhismaha waddadaasi halbowlaha ah.

Jidka ayaa la xiray 2KM oo ka bilaabaneysa EX Kontrol Afgooye, waxaana horay laga bilaabay isla maantaba dhismaha jidka, kaas oo ay horay u balanqaaday dowladda, maalgelisanaya dowladda Qatar.

Dadweynaha jidka isticmaali jiray oo la hadlay Goobjoog News ayaa cabasho ka keenay in saaka iyada oo aan loo sheegin waddada la iska xiray, isla markaana aaney heysan meel ay karaan.

Dhankooda, maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in jidkan la dhisayo uu horay u qorsheysnaa, dadkuna ay isticmaalaan jid cade loo diyaariyey

“Jidka waxa loo xiray waa dhismihii uu bilowday, si dadka aaney u dhibtoon waxaan diyaarinay jid cade ay si caadi ah u mari karaan, marka wax dhib xaga isu socodka kama jiro”, sidaasi waxaa Goobjoog News u sheegay afhayeenka gobolka Banaadir Saalax Xasan cumar.

Goobjoog News