U bood dhigaalka

Dowladda Qatar Oo Sheeg Inay Diyaar U Tahay Wadahadal Ay Lagasho Dalalka Xiriirka U Jaray

Sheeko:Dalka

Amiirka dowladda qatar Tamiim ayaa sheegay in uu diyaar u yahay wadahadal uu la furo dowladaha carbeed ee xariirrka u jaray .

Arintan ayaa timid ka dib markii ay qadka telefoonka ay kuwada hadleen dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Binu Salmaan iyo amiirka Qatar Sheikh Tamiim Binu Xamda Aala Thaani.

Wakaaladda wararka Sacuudiga oo soo xiganeysa hadalka labada mas’uul ayaa waxay sheegtay in amiirka Qatar uu muujiyey inuu diyaar u yahay miiska wadahadalka iyo in laga doodo dalabaadkii ay soo gudbiyeen afarta dowladood,kuwaas oo ku qotoma ilaalinta danaha dhinacyada is haya.

Dowladaha carbeed ee afarta ah ayaa waxay xiriirka u jareen dowladda Qatar iyaga oo ku tuhmay inay taageerto kooxaha argigixisada ah.

Hadalkaani ka soo baxay dowladda Qatar ayaa waxaa uu imaanayaa ka dib markii madaxweynaha mareykanka Donald Trump uu sheegay inuu diyaar u yahay dhexdhexaadin uu ka bilaabo dowladahaan,kuwaas oo muddo bilooyin ay  ka dhextaagneed dhibaato siyaasadeed.

Goobjoog News