U bood dhigaalka

Dowladda Qatar Oo Xoojineysa Taageerada Dib u Dhiska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Dowladda Qatar ayaa sheegtay inay xoojineyso dadaallada ay ku  taaagerayso dib u dhiska ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo sidoo  kale horumarada xagga difaaca.

Wasii ku xigeenka wasaaradda difaaca dowladda Qatar ayaa sheegay in dowladdiisa gacan weyn ka geysan doonto dib u dhis lagu sameeyo wasaaradda difaaaca Soomaaaliya iyo sidoo kale xoojinta amniga xeebaha dalka.

Waxa uu sheegay wasiir ku xigeenka in hadda ay wadaan tabobarsiinta ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, dib u qalabeyntooda iyo sidoo kale inay ka caawinayaan in  dib loo helo hantidii ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Dhinaca kale dowladda Qatar waxay si kulul u cambaareysay weerarkii shalay lagu qaaday Hotelka SYL, kaasi oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Goobjoog News