U bood dhigaalka

Dowladda : Rahan Looma Heysan Karo Xogta Shidaalka Waxaana Lasoo Wareejinayaa Agoosto

Sheeko:Dalka, War

Wasiirka Batroolka dowladda federaalka Maxamed Mukhtaar Ibraahim ayaa ka hadlay macluumaad ay uruurisey shirkadda Soma Oil and Gas oo horey dowladda ola gashay qandaraas baaris shidaal, hawshaasi oo ay dhameysey balse aanan wali dowladda lagu soo wareejin.

Isaga oo wareysi siiyey taleefishinka Universal ayuu wasiirka sheegey in macluumaadka kheeyraadka Soomaaliya aysan cidina rahan u heysan karin, laguna soo wareejin doono dowladda Soomaaliya 15-ka bisha Agoosto ee sanadkan 2015-ka.

“Datada horta xuquuqiyan waxaa iska leh dowladda Soomaaliyeed, waxaa iska leh dadka Soomaaliyeed, taa marka su’aal kuma jirto waa nalagu soo wareejinayaa xuquuqdeena, waxaase muhiim ah macluumaadka laftiisa qaabkii loo xanaaneyn lahaa, meeshii la dhigi lahaa, qaabkii loo iibin lahaa, macno badan ma sameyneyso in xog lasoo qaado, Muqdisho la keeno oo qol lagu xiro , haddii xogtana ay gacan u gasha dad qaldan ama ay gacanta ka baxdo waxa ay dowladda Soomaaliyeed u keeneysaa dhaawac dhaqaale oo badan” ayuu yiri wasiirka.

“Macluumaadka Soomaaliyeed marnaba cid rahan uma noqon karto, tasiilaadka ka jira dalkeena waad fahmi kartaa inta ay xadidanyihiin, xitaa haddii nala siiyo macluumaadka sidii aan u suuq geyn lahayn iyo sidii aan u xifdin lahayn waa arrin u baahan dadaal” ayuu intaasi ku daray.

Wasiirka oo kasii hadlayay sababta wali ay wasaaradda ola soo wareegi la’dahay macluumaadka ay uruurisey shirkadda Soma Oil and Gas ayuu yiri “Anaga duruufaheena dalka ka jira ayaa u baahan in aysan gacan qalad ah galin, in macluumaadkii meel la’iska keeno, qol la’isaga xirto oo wax qiimo ah aysan noo lahayn, waa in loo helo dad tababaran iyo kuwa aan u kireyso, raadinana sidii aan caalamka kaga gadi lahayn, si rasmi ah waxaan ola soo wareegeynaa Agoosto 15 keeda”.

Waxa kale oo uu sheegey in marka la gaaro in shidaal lasoo saaro ay labo arrimood muhiim tahay, kuwaasi oo kala ah in uusan u gacan galin dad kaligood ku intifaaca, iyo in uusan abuurin colaado cusub.

Waxa uu meesha ka saaray in uu jiro wax heshiis shidaal soo saaris ah oo ay la galeen shirkadda Soma, kaliyana hawsha ay qabatay ay ahayd sahan taasi oo ay dhameysey, ka hor inta aan shidaalka lasoo saarina ay jiraan waxyaabo ay tahay in la sameeyo sida in sharcigii batroolka la meelmariyo.

Xagga macdanta waxa uu sheegey in Soomaaliya ay wadahadal la gashay wakaaladda hubka nuyuukleerka ee Qaramada Midoobey ee IAEA si macdanta Yuraaniyuumka (Uranium) oo hubka halista ah lagu sameyn karo aysan gacanta u galin dad dambiilayaal ah, kadibna ay isku afgarteen in hawl laga galo.

Waxaa kale oo dowladda ay wadahadal la gashay hey’adda UNDP taasi oo uu wasiirka sheegey in ay heyso xogta ku saabsan macdanta ku jirta Soomaaliya maadaamaa intii u dhaxaysay 1965-tii illaa 1975-tii ay hey’addani dalka ka qabatay hawlo baaris iyo sahan ah, dowladdana dooneyso in xogtaasi lagu wareejiyo.

Waxyaabaha ay dowladda ku hawlantahay ee kale ayaa waxaa ka mid ah sidii dib u eegis loogu sameyn lahaa sharcigii macdanta ee 1984-tii la qorey, loona waafajin lahaa duruufaha dalka ka jira hadda.

Wasiirka Maxamed Mukhtaar Ibraahim ayaa dhanka kale sheegey in wasaaradiisa ay wadahadal la gashay maamul goboleedyada sida Puntland, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, la’iskuna afgartay in la dhiso guddi isku dhaf ah oo ka shaqeeya sidii loo diyaarin lahaa heshiis dalka oo dhan ka dhaxeeya oo lagu qeybsanayo kheyraadka dalka, guddigaasina uu dhawaan hawlgali doono.

Mar wax laga weeydiiyey qoondada ay Soomaaliya qaadanayso marka ay galeyso heshiisyada shidaal soo saarita, ayuu sheegey in taasi ay ku xirantahay hadba waxa ka jira suuqyadda adduunka, wasaaraddana ay waddo qiimeyn arrintaasi ku aaddan iyada oo gacan laga helayo xafiiska sharciyadda ee Bangiga horumarinta Afrika.

Goobjoog News