U bood dhigaalka

Dowladda Ruushka Oo Ku Baaqday Kulan Degdeg Ah Oo Looga Hadlayo Xaaladda Xuduudda Turkiga iyo Siiriya

Sheeko:Dalka

Ruushka ayaa ugu yeeray Golaha Ammaanka ee Qaramada midoobay in kulan degedeg ah ay isugu yimaadaan si looga doodo wax dalka Ruushku uu ugu yeeray xaaladda ka sii dareeysa ee ka taagan xuduuda u dhexeeysa dalalka Turkiga iyo Siiriya.

Warka soo baxay shalay oo jimca aheyd wadaaradda  arrimaha dibadda dalka ruushka ayaa lagu xusay in ujeedada kulanku uu yahay sidii Turkigu uu u joojilahaa tillaabooyinka  maja xaabinaya xabad joojin ka hirgasha dalka Siiriya.

Turkiga ayaa qorsheeynaya in ciidamo dhanka dhulka ah uu u diro dalka ay dariska yihiin ee Siiriya.

Dalka Turkiga ayaa duqeyn ku haya miliishiyadda Kurdiyiinta ah ee uu dalka Mareykanku taageero.

Dhankiisa madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan  ayaa sheegay in hubka mareykanku uu siiyey Kurdiyiinta ay u isticmaalaan in ay ku layan dad Siiriyaan Rayad ah.

Isga oo khudbad ka jeedinayey magaladda Istanbul shalay ayuu Recep Tayyip Erdogan sheegay in uu ka murugeysanyhay  in reer galbeedku ay aysan u aqoonsan kooxaha  PYD iyo YPG in ay yihiin kuwo argagixiso.

Goobjoog News